Daawo Xilliga lagu dhawaaqayo liiska Xildhibaanada JBM oo la shaaciyay

0
137

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in sirasmi ah loogu dhawaaqo liiska Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka JBM,kuwaas oo xulistooda ay ka socoto Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee so xulista Xildhibaannada JBM Maxamed Keeroow Maxamed ayaa sheegay in inta badan shuruudihii laga doonayay qofka doonaya in uu kamid noqdo Baarlamaanka JBM ay Xubnaha soo buuxiyeen.

Waxaa uu sheegay inay jiraan xubno u sharaxan Xubinimada Xildhibaan ee Baarlamaanka JBM ay soo gudbiyeen shuruudaha,kuwaas oo sidoo kale is diiwaangeliyey,hayeeshee Xarunta Guddiga dib ugu soo laaban.

Dhamaan xubnaha is diiwaangeliye ee doonaya inay kamid noqdaan Baarlamaanka JBM ayaa waxaa uu sheegay inay fursad u heystaan inay soo gudbiyaan inta ka dhiman ilaa Maqribnimada Caawa qof walbana laga doonayo in uu soo maro Taliska Ciidanka Laanta Nabadsugida.

Si kastaba Baarlamaanka Cusub ee Maamulka JBM ayaa sanadkaan waxa uu noqonayaa 95 Mudane,kadib markii ay isku raaceen Cabdi asiis Lafta Gareen & Odayaasha Dhaqanka,waxaana uu horay u ahaa 149 Mudane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here