DAAWO: XUSKA DHALASHADII NEBI MUXAMED NNKH OO LAGU QABTAY MAGALADA ZURICH EE DALKA SWITZERLAND,

0
448

Xaflad si heer sara loo soo agaasimay lagu xusayo dhalashada nebi Maxamed cs ayaa haatan si toosa uga socota magaalada Zurich ee dalka Switzerland, munaasibaddan oo lagu casuumay dhamaan dadka Muslimka ah, aqlabiyadda timidna Soomaalidu tahay oo tiim uu hoggaaminayo madaxa guud ee saxaafadda ku bohowday Koonfurta Soomaaliya Dr Amaandhoorey ay ka dhex muuqanayaan goobta, waxaa aad loogu dheeraanayaa ka taarikhaynta siirada rasuulka cs. Culimada ka hadlaysa waxaa ka mid ah sida:-Shiikh Maxamuud Daraabulise oo ka warama Ixtifaalka mawlidka cs.

Shiikh Axmed Duuri oo isna ka hadlaya muxubada rasuulka sc, waxaana sido kale ka waramaya munaasibaddan Shiikh Ibraahin Cabdi oo sharaxaya mashaariicda mawlidka iyo Macalin Nuur Macalin Maxamuud oo kala dhigdhigaya sifaadkii wanaagsanaa ee rasuulka cs, iyado nashiiddooyinka ruxaya qalbiyada dadka iyo khasaa’idda ay ka shanqarinayaan ardada misjiidka Khulafaa’u-Raashiddiin ee magaalada zurich.

Khilaafka culimada diinta Islaamka iyo isku hayntooda dhigidda mawlidka waa halkiiye, munaasibaddan lagu xusayo dhalashada nebi Maxamed cs ayaa si habsami leh uga soconaysa xarunta ganacsiga ee waddanka Switzerland imikadan amar Alle laakiin

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here