DABAAL XUMADU XIRIQAY KA BILAABEEN LABADUBA TALISKA IYO TAXTA-

0
234

Haddii aynu ka faallo tiraabno cinwaankeena qormada siyaasadda sarasabbaynaysa ee geeska Afrika, Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland waxaa ay leedahay shucuub aad u nadiif ah dadnimadu ku dhan tahay yaqaanana sida sharafkooda gobanimada loo ilaashado culays walbo saarana ulasooyinka lugahoogu lagu xiray, si aysan tallaabada u labayn una afar qaadin socodka, iyago sinniqsanaya kaga barmoosa jaraha halista ah halaambayda qaranimada calanka buluugga ah washamsi ku qaadka loogu diyaarshay, si ha i booqantu haadaantu kolkay ku dhacaan, hadhow, qolyaha gashiinka ah u soo hodlamay dhulka webiyada Maaygu leeyahay, siriqdoodu goortay ku guulaystaan ay waayaradu u goostaanooy ku hadaaqaan “Eelaay maxaa dalka u yaal, Eelaay-Wiiq Soomaali ma aha iyo ereyadii la midka ahaa.”


Bulshadan Maayland u dhalatay 7-da gobol ugu barwaaqada badan waddanka leh oo deggan, 65 boqolkiiba tiro ahaan ka dhigan Soomaalida inteeda kale, waxaa nasiibdarada qura ku habsatay ay tahay, inay hoggaan ay ku hirtaan maruun u kala kiciya waayaan, fiddimadooduna maahiriintoodu wax fahmay, lana socdaan wadciga lagu jiro taagan, kaadirintoodu loola dagaallamayo sidii Rohingaha dalka Burma oo kale, sifo loo ciribtiro loogana suuliyo carriga, sidii qoom horo suulay oo kale maanta aan dunidan dib loogu arkahayn, taaso ay ku dadaalayaan inay u meel marto duulka gabraarti marba midabka cusub isa soo marmarinaya sidii jirjiroolihii, kursiga Soomaaliyana kalidooda uun isku badbaddalaya teeriyo sanaddii 1960-kii, markii lagu sheegay inay xorowday Soomaaliyadan qalliban kufano jaban kabsan la’ kambadhuudhsan astaanka, dabadeed kolkii dhuunkaasha mariidka iyo, mayraxa iyo, malmal iyo, magaad iyo, xildiid iyo, wiyeer iyo, dhoobada xiriqdiyo, daadxoorta daxalaysan iyo, habarta kuulan banjarta naasaheedi caana laga lisay xaraar badan iyo doofaar finaaqay furar lagu soo maalay mamfacadiisu murbay la egtahay lagu soo shubay qabiil muggiisu suntu ku dillaacday qabyaalad salfatay surin lagu laaqay xabagtiisu dhegdheggu noqotay lagu dharoobay wujuuxdeedu sarajooggabu u diiddan uunkan dulman lagu soo dulay duhurta cad loona soo doolaabay daarahooda galawgu ka yeerayo har iyo habeenba ooy firadu ka duulayso.


Qarniyadii dambeeyay saddaxda hoggoomiye JBM u soo baxay Ustaad Cusmaan iyo Janaraal Shaatiguduud iyo waqtigan uu nool yahay wali madaxwaynaha Jamhuuriyadda qafaalan madaxwane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, haddaanay hoggaamiyeyaashan jirin Maayland inta maanta jirta xitaa ma jirteen, jumhuurta soo duushayna magaca dowlladdnimada wata faraska ku jooga dhiilaha waawayna qabyaalladda dhabarka ugu linkaxano xambaarsan, iyana, haddii ay hoggaannadan dadyowga gartoodu la gambiyay cirdigoodu la isku haysto madluumiinta ah, si maangal ah xaqsoornimo ku dheehan tahay astaamo muujinaya kuwo walaaltinimo dhoweeya ay ula macaamil heshiin lahaayeen, sida hubantida ah, Soomaaliyadan imikadan kacaa-kufaysa gawaanada durgan waysan socodka federaalka sheeganaysa, se farta ku godan, xukaamadaha firiqoobay loo fondoray ceebaha ay la fogaadeen, ooy xaajooyinkeedu finishba noqdeen iyo finaash ay u geeda fuuleen, kadardhuuskan kuma aysan jireen, kadib markii mushtamacii rayul-caamku watay, danta guud iyo xoogsatadii muruqmaalka udub-dhexaadka u ahayd wax soo saarka waddanka iyo dabaadigii hagaasnaudba ruumbo iyo naxdin daran lagu rusheeyay, taasoo natiijada ka dhalatay ay noqotay, tiiha iyo daalka ku laran xabaala badanka haaddu ay gablaynayso hangashka tiradhaafka ah yintiinta hooy loo waayay iyo agoonta dabamadow aabbayaashoodu dhulka hoostii lagu nasiyay huteellada maafi-iqtiyaariga.


Madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah muwaaddin u dhashay dalka, haystana baasaboor diblomaasi ah, tiro 2 jeerna la siiyay shahaadadiisi murashaxnimada u tartamadda doorashada kursiga Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, waxaa laga soo shirqolay magaadada Baydhabo gobolka Baay JBM 13.12.2018 oo ay doorashadu ku dhacaysay, kadibna jawigii dalko dhan ayaa isu rogay ciriiri iyo kacdoon ruux iyo qolo walibaa uu godkeedu biya ugu galay, oo ta federaalka garwadeenku ka yahay haatan Maxamed Cabdillaahi Farmaajo kacdoon daran bay wajahday kalsoonidii shacbiga lumisay si degdeg ahna caalamkiina lacagihii kaalmooyinka uga goosteen, halka kuwa Maayland iyana hoggaamiyahoodi daacadda u ahaa xorayn lahaa ay qaarkood jaajuuseen mishinka shirqoolku dhadhamo sandareerto yar ku fuliyoonoy cadawgoodu ugu shaqeeyeen, labaduna mid gooni u faa’iday aanu jirin, kolka laga yimaado, ceeb wayn iyo fashil ba’an oo lugaha lala galay, taasoona ka soo kabashadeeda u baahan inay waqti badan ku qaadanayso taliska federaalka iyo taxta-amarkuba takoorta ku habsatay cibaarada caalamkuba la yaabay gardaran gambada tuuratay, garbasaarka ku dartay, gareeska filqiday, oo googoraddana ka hoos boodday, una soo gunnaaxsatay garta iilan goboolladan webiyada dhurwaaga laga raacay iyo tuugga dhacayaa dheefta kalidii uun inuu kaga dhargo doonayo dhoombirka afkiisana kala dabadhankaxay ummadda geyiga dhuunqabadka raagay lagu hayo, ooy dhiibadoodu soo baanataba xaasidku dhaawacayo,

dulucduna loo diiddan yahay dhaabad adag inay dhistaan iyo maamul dhaqaaqaaya kaga dugaashan karayaan dabaylaha dhacaaya kana qariya duufaannada xoogga badan cagta iyo dardarta ku qaada daashashka tabarta daran aan lagu dhisan asalkaba geedaha qawiga sid:-.damaka iyo, galoolka quwadda u saaxiibka ah iyo, hareeriga hareeya iyo dulunta biraha naafaysa, iyo garaska abaar-makaraanka ah iyo, tugaarka gimgiman tiixada aan rujin iyo quraca kulankiisu lagu lado qoraxdo taagan.

Dabbaalxumadu xiriqay ka bilaabeen labadiba taliska iyo taxta-amarkuba amar Alle laakiin!!
By Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here