Dacwadii C/Qadir Shiiquna oo dib loo iclaamiyay iyo Maxkamada Sweden oo aqbashaday in ay dhagaysato

0
39

Dacwadii sanad  iyo bar ka hor loo gudbiyay maxkamada Dalka Swedn ee la xiriirtay xasuuqii loo gaystay shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa waxaa dib u cusboonaysiiyay qareenadii ay qabsadeen dadka ka soo jeeda degaanka Koonfur Galbeed ee ku dhaqan dalka Sweden iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee ku nool dalka Sweden

Xafiiska Xeerilaaliyaha Guud ee dalka Sweden ( Åklagarmyndigheten), gaar ahaan Xafiiska Wasarada Cadaalada, Morgan Johansson,  ayaa ogolaaday in dacwada Shiiqunaa  dib loo furo.  Ku xigeenka Xeerilaalinta Sweden Eva-Marie Persson ayaana la wareegtay gacan ku haynta dacwada ka dhanka ah Cabdulqadir Shiiquna.

Dib ufurida dacwada Cabdulqadir Shiikhunaa ayaa ku soo beegantay iyada oo uu Cabdulqadir waayay xubin ka noqoshada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galabeed. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahnita ayaa sheegaya in aabaha Cabdulqadir Shiiquna, mudane Sharif Shiiquna oo hada xubin ka ah baalmaanka Fedaraalka dalka Soomaaliya uu kursiga baarlamaanka u baneeyn doono wiilkiisa si uu u helo “imunity”.

Dhanka kale Cabdulqadir Shiiquna ayaa dhankiisa ku hanjabayo in uusan eeda xasuuqa ka dhacay Baydhabo uusan isaga kaliya qaadi doonin, sidaas darteedna uu mas’uuliyada dhibkii ka dhacay Baydhabo uu dusha ka saari doono Madaxaa dowlada Fedaraalka oo uu u horeeyaan Farmaajo iyo Kheyre.

Ma aha markii u horeeysay oo ay dowlada Sweden maxkamad soo istaajiso muwaadiniin u dhashay dalkeeda oo danbiyo dagaal ka gaystay meelo kala duwan oo ka tirsan caalamka. Waana wadan aad u tixgaliyo sharuucda caalamka iyo ilaalinta xuquuqda bani’aadamka.

Dowlada Sweden ayaa horay uga biyo diiday in ay kaalmo toos ah siiso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. MW Lafta Gareen oo isagu u yimid  si xoog ah ayaa dhankiisa waxa uu u arkaa joogitaanka Cabdulqadir Shiiquna mid mustaqbalka keeni doonta in isaga diirada lagu saaro, taasna waxa ay keentay in uu kaalin ka qaato ceyrinta Cabdulqadir Shiiquna.

Aabaha Cabdulqadir, Xildhibaan Sharif Shiiquna oo isagu ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka ayaa yiri “.. Wiilkeyga waa la isticmaalay, ma taqanaa, ka bacdina sidii “Condom”  – Cinjir la isticmalaay ayaa la iska tuuray, laakiin waa la arki doonaa cida ooyinta ku danbeeyso… waa la arki doonaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here