Dadkii ugu badnaa oo ka barakacey degmada Walanweyn

0
22

Saacadihii la soo dhaafay waxaa barakac uu ka jirey degmada Walanweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ku dhexmarey laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalkii ka dhacay walanweyn ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay tuulooyinka qaar ee degmadaas,waxaana halkaasi ka dhacay fal dad badan ay ku tilmaameen kii ugu xumaa,kadib markii qof la diley,kadibna meydkiisa la gubey.

Inta badan dadka ku nool degmada Walanweyn ayaa barakacey,iyaga oo ka cabsi qaba in ay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka oo markii dambe isku bedelay in Guryaha dadka lagala soo baxo.

Wararka sidoo kale aan ka heleyno degmada Walanweyn ayaa waxaa ay sheegayaan in sidoo kale inta badan Goobaha Ganacsiga iyo Waxbarashada ay yihiin kuwo xiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here