Daawo Dagaal beeleed maanta ka qarxay degaano ka tirsan degmada Wanla-weyn

0
29

Waxaa maanta ka qarxay  deegaano ka tirsan degmada Wanla-weyn ee Gobalka Shabellada Hoose dagaal. Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal  ah   dagaalka ayaa dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo ka soo Kalajeeda degaankaas iyo Hiirshabelle. Dagaalkaan ayaa yimid kaddib markii la isku maan dhaafay isbaaro la dhigay afaafka hore ee magaalada, kaasi oo lacag looga qaado gawaarida geleysa magaalada iyo kuwa ka baxaya intaba.

Dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu ka socda  degmada Wanla-weyn dhexdeeda iyo afka hore ee magalada. Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawa. Dadka magaalada ayaa raja xumo ka muujinaya dagaalka socd degmada Wanla-weyn ee gobolka shabeellada hoose. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada iyo kan Shabeellada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here