Dagaal Ciidanka Itoobiya Maanta ku dhexmaray Gudaha Soomaaliya

0
47

Dagaal Ayaa waxa uu maanta Ka dhacay Gudaha Soomaaliya oo dhexmaray Ciidamo Kawada tirsan Dawlada Itoobiya,waxaana soo baxaya warar dheeraad ah.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay Deegaanka Halgan Ee Gobolka Hiiraan,iyadoo Ciidamo kusugnaa Xero Meliteriga Itoobiya Askarta qaar la isku dayey in hubka dhigis lagu sameeyo balse ay diideen.

Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaana ka dhashay dagaalkaasi Ciidamada Itooobiyaanka dhexmaray.

Warar ayaa sheegaya in Ciidanka dagaalamay ee hubka dhigista qaarkood diiday ahaayeen kuwo kasoo jeeday Qowmiyada tigreega,taas oo salkana ku heysa dagaaladii muddooyinkii dambe ka socday Gobolka Tigreega.

Wey adag tahay in la ogaado Itoobiyaanka ku dhex dagaalamay maanta oo Axad aheyd Deegaanka Halganka Xerada ay joogeen,mana jirto war kasoo baxay Taliskooda iyo Maamulka Gobolka Hiiraan Ee Deegaankaasi ka arimiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here