Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & faah faahino laga helayo

0
30

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu dhex-maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen  Saldhigyada Ciidamada dowladda ee Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhex-maray labada dhinac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsaneyeen labada dhinac,basle weli aysan helin khasaaraha ka dhasay, hayeeshee saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ays heegeen inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku baahiyeen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in weeraro ay ku qaadeen degaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ay gduaha u galeen degaankaas, in kastoo aan weli la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here