Dalxa:-“Madaxweynaha Ma Ahan in uu Arin Walba Jawaab Ka bixiyo”,+Dhageyso

0
26

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sharcidaro ku tilmaamay warqadii dhawaan Guddiga arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomalaiya ay u direen Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana ay kaga dalbadeen in uu ka hadlo dhalinyaradii  askarnimadda loogu qaday dalka Eretria.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in si guud ay warqaddda ay sharcidaro u aheyd,islamarkaana Madaxweynaha uu ku gacan seeray In jawaab uu ka bixiyo.

Guddiga arrimaha Dibadda Baarlamaanka Fedraalka Soomaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in uu cadeyn u keeno arinta ku aadan in dhalinyaro Soomaliyeed ay ku dhinteen dagaalka Gobolka TPLF-TA ee dalka Ethopia.

Arintaan ayaa timid kadib markii qaar kamid ah waalidiinta dhashay caruurta askar ahaanta loogu qaaday dalka Eretria ay sheegeen in ay la ‘yihiin xariirka caruurtooda,islamarkaana ay suura gal ay tahay in ay ku dhinteen dagaalka Gobolka Tigreyga.

Sidoo kale waxaa la shaaciyay magacyaddo dhalinyaro la sheegay in ay ku dhinteen dagaalka ka socday Gobolka Tigreyga,waana sababta kordhisay walaaca Waalidiiinta Somaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here