DEG DEG:-Askari Haweeney Ku Diley Baydhabo Oo Ciidanka Amaanku Gacanta Ku Dhigeen.

0
35

Talyaha saldhiga degmada Baydhabo Mukhtaar Dugudow oo lahadley smcnewss ayaa waxaa uu sheegey iney gacanta kusoo dhigeen askarigii xaley diley Layla Abuukar Axmed oo ka tirsaneyd ciidanka xooga dalka somaliyeed islamarkaana ay baaritaan ku hayaan askariga dilka geystey.

Taliyaha ayaa sidookale sheegey iney ku raad joogaan haweeney uu qabey askariga dilka geystey oo lasheegey iney ayadu ka danbeysey dilka haweeneydan sidookalena ay sharciga hor keeni doonaan waxaana uu tilmaamey taliyaha in wixii kasoo baxa baaritaanka ay warbaahinta dib ugula soo wadaagi doonaan.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in dilka Layla Abuukar uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay Layla iyo Askariga falkaas u geystay, kaasi oo ka tirsanaa Ciidanka militeriga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here