DEG DEG-Dhimashada oo 30 ruux ku dhow iyo dagaal ka dhex qarxay Soomaalida & Itoobiya

0
64

Dagaal xoogan ayaa lagu soo waramayaa inuu dhexmaray qoomiyahada Canfarta iyo Soomaalida dalka Itoobiya, iyadoona ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 30 ruux.

Dagaalkaan oo dhanka xuduudaha salka ku haya ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 27 ruux oo kamid ah dhinacyada dagaalamay, iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale dagaalo uga dhaceen xadka labada dhinaca Ismaamul

”27-ka ayaa loo dilay sababo la xidhiidha isku dhacyo ka dhacay xuduudaha Soomaalida iyo Canfarta”, ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Xukuumadda Itoobiya Shalay.

Afhayeen u hadlay Soomaalida laguna magacaabo Cali Bedel ayaa xaqiijiyay dilkan wuxuuna eedeyn dusha uga tuuray maleeshiyada ka soo jeeda deegaanka Canfarta ‘Maleeshiyada maxalliga ah ee ka soo jeeda Canfarta ayaa ka dambeeyay dilka,” ayuu u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here