Ciidamada amaanka dalka Kenya oo kaalmaysanaya sirdoonka dalka Maraykanka ayaa caawa gacanta ku soo dhigay Ciise Tarabuun oo ka mid ahaa hogaanka ururka Argagaxisada Al Shabaab.
Ciise Tarabuun ayaa bishaan 24 keedii ku soo galay dalka Kenya baasaboor dublamaasi ah oo ay soo siisay dowlada Soomaaliya. Tarabuun ayaa Xabsiga Soomaaliya si qaroodi ah looga sii daayay.
Ciise Waxaa lagu qabtay airport Muqdisho aroornimadii 24 Sept 2019, Waxaana qabtay booliska Airport oo xogtiisa horey u hayay! Kadib wuxu wacday Taliska NISA ayaa waxaa amar soo Bixiyay kusimaha Taliyaaha NISA Cabdullahi Aaden Kulane oo loo yaqaan Jiis-mareexaan lagu siidaayay. Waxaana loo ogolaaday inuu siiwato Safarkiisa dalka Kenya.
Warar hordhac oo ay heshay Southern Media ayaa sheegaya in Ciise Tarabuun oo caawaba bilaabay in uu hadlo. Waxaa la filayaa in Ciise Tarabuun uu banaanka soo dhigo dhamaan magacayada kooxaha Al Shabaab ee ku dhex-milmay dowlada Fedaraalka, cida hogaamisa iyo khatarta ka imaan karta.