(Deg Deg) Farmaajo & kooxdiisa oo Dhuusamareeb ka soo saartay nooc doorasho

0
138

MW Farmaajo & Hoggaanka Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed & Banaadir aya soo saaray nooc doorasho ee dalka lagu wado in ay ka dhacdo,.

Xalimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) Ayaa looga dhigay in ay madax ka noqoto doorashooyinka, waxaana ay noqoneysa nooca doorasho dadban oo ka duwan tii 2016.

Waxaa lagu heshiiyay:

  1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid deegaan Doorasho ah (Electoral constitiuency caucuses)
  2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyaan dhisida Guddi xulis oo loo dhan yahay oo ka kala imanaya odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee ka soo jeeda beesha kursiga.
  3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta
  4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteey ugu yaraan afar (4) deegaan doorsha oo ay ka dhacdo doorasho
  5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kursiga.
  6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal mnaalin oo isku nid ah.
  7. Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyay deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.
  8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.
  9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyagoo kaashanaya Maamulka dowlad goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.
  10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan
  11. In Baarlamaanka Dowld Goboleedyada ay soo doortaan Aqalka Sare.
  12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo
  13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhaco waxaa la go’aamiyaye in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada
  14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada dowlad goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii howl ah ee dhiman.
  15. In la ilaaliyo 30% ka saamiga Haweenka
  16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo bogaadin u jeedinaya Madaxweynaha iyo shacbiga Galmudug soo dhaweynta iyo martigelinta shirka
  17. Sdioo kale shirku wuxuu u nmahad celinayaa beesha caalamka oo mar walba dadka soonaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here