DEG DEG: Hoobiyeyaal lagu garaacay Studium Muqdisho oo ay ka socotay cayaartii lagu furay

0
69

Wararka aan ka heleyno garoonka kumadda cagta ee Studium Muqdisho waxa ay sheegayaan in hada ay ku bilaawdeen hoobiyeyaal, iyadoo ay ka socoto cayaartii ugu horeysay oo caawa lagu furay.

Laba kooxood oo lagu furay garoonka ayaa ku cayaareysay caawa, waxaana mar qura laga war helay hoobiyeyaal ugu soo dhacaya si isdaba joog ah, iyadoo ay durbadiiba hawada ka baxeen telefishinadii u tebinayey cayaarta sida tooska ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta xarigga ka jaray garoonka Studium Muqdisho, kadib markii lasoo gebagebeeyey dib u dayactir lagu sameeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa garoonka isla galabta ka daah furay cayaartii ugu horeysay oo ka dhacda mudo ku siman 16 sano kadib, waxayna dhex mareysay kooxaha Horseed iyo MCC Minishiibiyo, waana labada koox ee ugu sareeya heerka kala sareynta Horyaalka Soomaaliya.

Dad ku sugan garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay in intii ay socotay cayaartu ay ay garoonka ku soo bilaawdeen hoobiyeyaal, aan la garaneyn jihada ay kasoo dhacayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here