DEG DEG: Khasaare isugu Jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Qarax ka dhacay Galgaduud

0
42

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in qarax miino uu haleelay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad xilli ay ku socdaalaayeen degaano ka tirsan Galgaduud.

Qaraxa ayaa Ciidanka ku qabsaday agagaarka deegaanka sinna-dhaqo ee Duleedka Dhuusamareeb ayaa sababey Dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa qabsaday mid ka mid ah gawaarida loo yaqaano Cabdibilaha oo ay saarnaayeen Ciidanka oo kusoo jeeday Dhuusamareeb.

Inta la xaqiijiyay labo Askari oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda ayaa ku dhintay waxaana sidoo kale jira dhaawacyo lasoo gaarsiyay isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here