DEG DEG: Masjid ku yaalla Faransiiska oo rasaas lagu furay iyo qarax xigay

0
75

Laba qof ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey in lagu dhaawacay rasaas lagu furay meel u dhow masjid ku yaalla magaalada Bayonne ee koonfurta galbeed ee dalka France, waxaa sidaas sheegay booliska.

Booliska ayaa intaas ku daray in la xiray ninka la tuhunsan yahay inuu rasaasta furay.

Ninkan ayaa lagu xiray meel u dhow gurigiisa kadib markii uu dhacay weerarka iyo sidoo kale qarax yar oo la socday.

Qaraxa ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay taankiga gaaska, oo uu ninka dab ku qabadsiiyey meel ku dhow masjidka, galabnimada Isniinta maanta ah.

Faah-faahin dheeri ah naga filo dhowaan Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here