War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay wadada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogeyaal goobta ka dhow ayaa MOL u xaqiijiyey in qaraxa lala beegsaday Gelato Divino, oo ah goob maqaaxi oo laga cunteeyo, kana soo horjeedo Sahal Terminal, oo u dhow garoonka Aadan cadde.
Xog horudhac ah oo ay heshay SMC ayaa sheegeysa in qaraxa loo maleynayo inuu fuliyey qof soo xirtay jaakad waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, kaasi oo gudaha u galay maqaaxida kadib is-qarxiyey.
Waxaa jira khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, inkastoo weli aysan caddeyn tirada rasmiga ah.