DEG DEG: Qarax lagu dilay Taliyihii Ciidanka Booliska Afgooye

0
12

Qarax goor-dhow ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay taliyihii ciidamada booliska degmada Afgooye.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi iyo Lafoole ayaa waxaa ku dhintay Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Nuunow iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa.

Lama oga cidda ka danbeysa dilka taliye Nunow, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda, hase yeeshee inta badan qaraxyada ka dhaca aagaas ayaa waxaa fuliya kooxda Al-Shabaa.

Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here