DEGDEG: Farmaajo oo Gedo u diray gacan-yarihiisa+shir Garbahaareey

0
37

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Garbahaareey ee xarun goboleedka Gedo waxaa halkaasi ka soconaya kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka.

Kulamadani ayaa loogu gogol xaaraya shir halkaasi uga furmi doona la taliyaha madaxweynaha muddada ay ka idlaatay ee Maxamed Farmaajo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Shirka oo illaa haatan aan la ogayn ajandihiisa saxda ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda ee gobolkaasi.

La taliyaha Farmaajo uu u dirsaday gobolka Gedo, ayaa ilwareedyo muhiim ah waxaa ay u xaqiijiyeen Warqaad in uu sido warbixin xambaarsan doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan iyo qorshahooda.

Si gaar ah doorashada kuraasta 16 xildhibaan ee aqalka hoose ee taalla magaalada Garbahaareey ayuu kala hadli doonaa.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in lagu amri doono in uu xarun ka dhigto Garbahaareey si uu ula socdo doorashadaasi Garbahaareey ka dhici doonta.

Villa Somalia ayaa maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Garbahaareey u ballan qaadaysa ciidamo kale oo dheeraad ah, si doorashada ay ugu dhacdo qaabka ay iyagu qorsheysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here