DF oo soo saartay digniin ku aadan Halis ku soo wajahan dalka kuna amartay dadka..

0
35

Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka digtay duufaano  kusoo fool leh degaano ka tirsan Waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan degaannada Puntland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 19-kii Bishaan ay ka dabeylaha bilaawdeen cirifka Waqooyi ee Badweynta Hindiya.

Waxaa sidoo kale wasaaraddu sheegtay in dabeylahaan oo aad u xoogan kuna socda Xawaaro u dhaxeeya 95-110 Kiilo Mitir ay ku wajahan yihiin jihada waqooyi Bari ee dalka gaar ahaan dhinaca dhulka Bari ee dhaca Xeebta u dhaxeysa labada Magaalo ee Boosaaso & Xaafuun ee Gobolka Bari, lana filayo inay ku dhufato inta u dhaxeyso 4:00 Galabnimo ilaa 8:00 Fiidnimo ee Caawa.

Degaannada ugu daran oo ay duufaanta ku wajahan tahay ayaa Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka waxaa ay ku sheegtay, Xaafuun, Isku-shuban,  Boosaaso & degaano kale oo kamid ah dalka.

“Dowladda soomaaliya waxaa ay sigaar ah ugu digeysaaa dhamaan Bulshooyinka kala duwan sida, Kalluumeysatada iyo dadka ku dhaqan hareeraha Xeebaha inay ka digtoonaadaan khataraha kusoo wajahan dhulka Xeebaha ah, waxaana ay ugu baaqeeysaa maamulada degaannada laga cabsi qabo inay duufaanta saameyso iyo dhamaan Hay’adaha gargaarka inay u diyaar garoobaan xaaladaha soo cusboonadaay, taageerana u muujiyaan bulshada ku nool degaannadaas ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka Soomaaliya.

Cabsida ugu wyen ee dufaantaan ay sababi karto ayaa Wasaaradda Gargaarka & maareynta musiibooyinka waxaa ay ku sheegtay burbur hantiyadee, sida Guryaha,  degaannada Xeebta dhaca, Doonyaha Kalluumeysi iyo kuwa Ganacsi, waxaana ay ugu baaqday dadka degan dhulka Xeebaha inay ka taxadaraan khataraha ka dhalan kara duufaantaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here