DFS oo ku dhawaaqday qorsho lagu yareeynayo saameynta ka dhalata Roobka

0
29

Wasiirka Wasaarada Garagaarka iyo maareynta musiibooyinka Khadiija maxamed diiriye ayaa Maanta kulan la qaadatay ergeyga gaarka ah ee ka hortagga macluusha iyo arrimaha bani’aadanimada ee UK labada mas’uul aya kawada hadlay hormarinta iskaashiga iyo arimaha bani’aadanimada ee labadal.

Wasiirad khadiijo ayaa inta uu kulanka socday kawar bixisay xaaladaha bani’aadanimo ee kajirta dalka gaar ahaan duufaanihii ku dhuftay xeebaha dalka Somalia 22 November .

Dhanka kale ergeyga ka socda dalka UK ayaa sheegay in dowladiisu ay garab taagantahay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan sameynta dufaanadii ku dhuftay xeebaha dalka.

Kulanka oo sacaada qaatay aya waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil kakala socoto wasaarada gargaarka iyo dowlada UK kaasoo la isku afgarad in la iska gaashado arimaha bani’aadanimo ee dalka.

Wasaarada gargaarka ayaa mas’uuliyad weyn iska saartay kadigista qataraha dalka iyo dadka kusoo wajahan iyo sidii si dhaqsi ah loo samata bixin lahaa dadka ay waxyeelada kaso gaarto aafooyinka dabiiciga ah.

Wasaarada ayaa maalin kahor kadigtay duufaanadii ku dhuftay xeebaha buntland 22 November taasoo keentay in uu qasaaraha kayaraado duufaanadii hore ee sababay burbur iyo qasaaro baaaxad leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here