DHAGEYSO:-Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Lagu Dilay Garasbaaley

0
120

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho JBM ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay ku dileen deegaankaasi askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Dilka ayaa waxaa xigay is-rasaaseyn kooban oo dhex-martay askari kale oo la socday marxuumka la dilay iyo kooxihii hubeysnaa.

Guddoomiyaha waaxda afaraad ee deegaanka Garasbaaley, Maxamuud Xaashi Cali ayaa sheegay in iska hor imaadka dambe lagu khaarijiyey mid ka mid ahaa ragii toogashada u geystay askariga, halka kuwa kalena ay baxsadeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu dhaawac soo gaaray askariga la dagaalamay kooxda hubeysan ee dilka ka geysatay duleedka Muqdisho JBM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here