Dhageyso:- Axmed Madoobe & Deni maxay ka aaminsan yihiin Ciidanka Haramcad?

0
59

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha Bulshada aad looga hadal haayay warar la xiriira in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad oo xilligii doorashada ay Dowladda Soomaaliya geysay Dhuusamareeb laga saaro Magaaladaas, in kastoo ay warkaasi beenisay Galmudug.

In kastoo uusan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ee ku aadan in, iyada oo Ciidamada Haramacad aan laga saarin ay tegi doonin Dhuusamareeb oo ay shir ku yeelanayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa horay u jirtay walaac ay ka muujinayeen Ciidamadaas.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa horay u sheegay inay layaab tahay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay burburiyeen Ciidamada Dowladda,isla markaana ay sameynteen Ciidamo gaar ah oo dano siyaasadeed loo adeegsanayo,kuwaas oo la magac baxay Haramcad.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhankiisa waxaa uu walaac ka muujiyay Ciidamadaas,isaga oo sheegay in aan loogu talo galin la dagaalanka Al-Shabaab,balse ay la dagaalamayaan dadka ka aragtida duwan Madaxda Dowladda.

Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa waxaa sameysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana ay kaalin weyn ku lahaayeen doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb & in Magaaladaasi laga saaro hoggaankii Ahlusunna.

Hoos Ka Dhageyso Hadalo hore oo ay Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland uga hadleen Ciidamada Haramcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here