DHAGEYSO: Cabdi Xaashi Oo Sir Badan Ka Sheegay Qorshaha Farmaajo

0
125

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo shir jaraa’id Maanta ku qabtay Muqdisho ayuu mar kale ku celiyey inaysan aqbali doonin go’aano laga gaaro Doorashada oo iyaga aan laga qeyb gelin.

Cabdi Xaashi ayaa waxa uu sheegay in lagu xad gudbay Hanaankii dastuurka dalka islamarkaana ay iyagu mar walbo ku celinayaan in Sharciga Dalka la dhaqan geliyo.

Arinta ay isku qabteen Shirkii udambeeyey Farmaajo ayuu Cabdi Xaashi ku sheegay inay aheyd Kuraasta Aqalka Sare laga siiyey Gobolka Banaadir isagoo sheegay in Xaq badan Reer Muqdisho ka maqan tahay,lana xaliyo.

Gudoomiyaha Aqalka Sare waxa uu shaaca ka dhigay in mar kasta ku celinayaan in loo baahan yahay tanaasul la sameeyo isaguna yahay shakhsiga ugu sareeya Ee dadka kasoo jeeda Gobollada Wuqooyi Ee Dawlada Soomaaliya ku jira,laguna tix geliyo Odaynimadiisa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here