Dhageyso Ciidamada Daacadda u ahaa Wasiir C/rashiid Janan oo Bilaabay in ay Isdhibaan

0
24

Askarta ka tirsan Ciidanka Jubbaland ee Magaalada Mandheera ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku Sugan Magaalada Baladxaawo ka dib Dadaalo ay Sameeyeen Maamulka Gobalka Gedo oo ku aadan si loo badbaadin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee u dagaalamaya Maamulka Jubbaland.

Ciidankaan oo sida la sheegay gaaraya 10-askari ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda waxaan ayna  Hubkooda ku wareejiyiin Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Maamulka Jubbaland dhawaan kala wareegay gacan ku heynta Magaalada Baladxaawo.

Maamulka Gobalka Gedo ayaa sheegay inay sii kordheyso Tirada Askarta Ciidanka Jubbaland ee ka soo goosanaya Saldhiga Magaalada Mandheera, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, kuwaasi oo ku jira Abaabul ku aadan sidii ay iskaga difaaci la haayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya sida uu noo xaqiijiyey Gudoomiye ku Xigeenka Gobalka Gedo Axmed Bare oo la hadlay Idaacada smc.

Gudoomiye ku Xigeenka Gobalka Gedo Magaalada Mandheera ayaa sheegay in Cabsi Xoogan iyo Xaalad Ciidan ay ka jirto Magalada Mandheera halkaasi oo ay Abaabul Dagaal ka wadaan Ciidanka Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janaan oo Gacan ka helaya Ciidanka Dowladda Kenya oo ka waacinaya dhanka Saanadda iyo Saadka Ciidanka ay ku Howlgalayaan.

Dhankale Ciidanka Kenya ayaa Fariiso Dagaal ka Sameysatay Goobo hor leh oo ka tirrsan Gobalka Gedo xili Dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in Ciidankeed ay kala baxayso Soomaaliya arintaasi oo muujineysa  Kenya ay udiyaargarowday Dagaal Ka Qarxa  Xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, Maamulka Gobala Gedo ayaana ka Codsaday Dowladda Soomaaliya in ay Kenya ku Cadaadiso sidii Ciidankeeda ay ugala bixi la heyd  Gudaha Soomaaliya.

Magaalada Mandheera oo Muddo dheer Nabad galyo ay ka jirtay ayaa wali waxaa ka soconaya Barakac aysameynayaan dadka shacabka ah ee ay  Maamusho Dowladda Kenya ka dib markii Magaaladaas uu saldhig Ciidan uu ka sameystay Wasiirka Amniga Jubbland oo Taageero ka helaya Ciidanka KDF ee Ku Sugan Xuduuda Soomaaliya Iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here