Dhageyso; Cod Sir ah) Mahad Cawad oo sheegay in uu RW Kheyre yahay qaa’in

0
35

Cod sir ah oo laga duubay Guddoomiye K/X labaad ee Baarlabaanka JFS Mahad Cawad ayaa sheegay in RW Kheyre uu yahay shaqsi qaa’in ah, waxaa hadalada ka mid ah “Waa nin waxa uu rabo iska walaaqanaya, meelaha la taagan SNP iyo deyn cafin been ah oo uu rabo in uu ku fushado mashaariic isaga u gaar ah” Wuxuu intaa ku daray “Kheyre ma aha nin ay talada gacanta ugu jirto, wiilka caloosha weyn leh waxaanu rabin ma sameyn karo.

Wuxuu kaloo sheegay “Wax in fluence ah oo uu ku leeyahay siyaasadda ma jirto, waa been mana laha awood siyaasadeed iyo mid shaqsi”

Codkan sirta ah ayaa bannaanka keenaya in ay jirto kala aragti duwanaan soo kala dhex gashay RW Kheyre iyo MW Farmaajo waayo Mahad Cawad waxaa uu ka mid yahay taageerayaasha ugu weyn ee uu haysto MW Farmaajo.

Iyadoo ay doorashada 2021 ay ka harsan tahay muddo 11 bilood ah ayaa waxaa soo if baxaya kala aragti duwaansho u dhexeeya Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweynaha waxayna salka ku haysaa sida ay sheegeen taageerayaasha labada dhinac in Kheyre uu rabo in uu is sharaxo halka Farmaajana uu rabo in afar sano kale dib loo doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here