Dhageyso+ Dalxa:-Dowladda Kenya Waxay Ku Fasahilantay Kiiska Badda

0
39

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaliya,  ayaa Dowladda Kenya kaga digay faragalinta Siyaasadda Soomaaliya.

Xildhibaanka oo la hadlayay idaacadda Simba ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Kenya ay sheegato dhul Soomaaliyeed iyadoo leh dano siyaasadeed.

Dhanka kale Xildhibaan Dalxa ayaa usoo jeediyay Dowladda kenya in aysan xoog wax ku raadinin,islamarkaana aysan isaga ciyaarin daris wanaag labadda dalka dhaxeeya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka ayaa sheegay in Kenya ay guuldarooyin ay kasoo wajaheyn arrinta Badda,islamarkaana ay haatan qorshaynayso in waxyaalo badanisku qasto si loogu baaqsado kiiska Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda ICJ eedalka Holland ka dalbatay in markii afaraad dib loo dhigo kiiska badda.

Balse Dowladda Federaalka Soomaaliya oo arintaan ka jawaabaysay ayaa kahor timid codsiga Dowladda Kenya,waxayna sheegtay in Kiiska la guda gali doono,islamarkaana dib u dhigis kale aysan aqbali doonin xiligaan.

15ka bisha Maarso ayaalagu wadaain labilaabodhageysiga KiiskaBadda,waxaana laogeyn sida ay wax noqon doonaan madaama kenya aysan diyaar heyn,waxayna ku andacoonaysaa in Soomaaliya aysan xiligaan dowladdka jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here