Dhageyso: Dhismaha Masjidka Jaamac Ee Degmada Xudur Oo Ku Dhow Meel Dhamaad ah.

0
8

Si ay degmada xudur ee xarunta gobolka bakool ay u yeelato masjid weyn oo ay ku wada tukan karaan dhamaan bulshada  ayaa maamulka degmada xudur odiyaasha dhaqanka iyo shacabka oo ay is kashanayaan waxay dib u haweyn ku sameyeen masjidkii jaamac oo dhisnaa mudo ku dhow 50 sano kaasi oo si aad ah ugu muuqday burbur daran.

mudo ku dhow labo sano oo dhiman wax aan ka badneen labo bilood ayaa waxaa dhismihiisa meel dhamaan ah marayaa masjidka jaamac ee degmada xudur kaasi oo laga dhigay labo biyaano, waxaana uu kamid noqon donaa misaajidada ugu weyn degmooyinka kg Sheekh Xuseen Waa gudoomiyaha gudiga dhismaha masjidka jaamac ee degmada xudur waxaa uu kahadlayaa marxaalada hada uu maraayo masjidka.

Dhismaha masjidka jaamac ee degmada xudur ayaa waxaa kaalin weyn ka qateen dad muxsiniin ah oo ay kazoo jedaan degaanada koonfur galbeed iyo dad kale oo qeyr doon ah oo alle dartiisa u baxsadeen si ay aduun iyo aaqiroba ay ugu qabowaan.

By: Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here