Dhageyso:-Dowladda oo ka hadashay qaraxa ka dhacay Muqdisho

0
58

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay dhabarka dambe ee safaarada Dowladda Qatar ku leedahay Magaalada Muqdisho oo ku dhow Madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim Xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in qaraxa miino uu haleeyay Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,isla markaana uu jiro khasaaro kasoo gaaray qaraxa Ciidamada iyo dad Shacab ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen laba askari laba kalena ay ku dhaawacmeen,sidoo kalena ay ku waxyeelobeen dad Shacab ah.

Waxaa uu sheegay in dhowr jeer qaraxyo ay ka dhaceen agagaarka Madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim ,isla markaana ay falkaasi ka dambeeyaan Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay dadka beegsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here