Maamul goboleedka Galmudug waxaa wali ka taagan xaalado dhanka siyaasadda ah iyo is-mari-waa aad u xoogan.
Cabdiraxmaan Yuusuf Raabi, oo kamid ah murashaxiintii madaxtinimada Galmudug, ayaa ku baaqay in la farageliyo arrintaan.
Dowladda Soomaaliya ayuu ka codsaday in ay gogol nabadeed fadhiso si loosoo afjaro kala aragti-duwanaanta oo meel sare mareysa.
Siyaasiyiinta ayuu ku booriyey in ay xeeriyaan danta Galmudug iyo guud ahaan tan Ummadda Soomaaliyeed.
