Dhageyso:-Galmudug oo sheegtay in Coronavirus ku faafay deegaannadooda

0
54

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in deegaannada Galmudug uu kusii faafayo Cudurka Coronavirus,isla markaana lagu arkay dad badan oo leh Calaamadaha Cudurka.

Wareys ii siiyay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay Wasiirka in deegaannada Galmudug uusan oolin Qalabka lagu baaro Cudurka,isl amarkaana taasi ay keentay in tuulooyin farabana oo fog fog laga soo sheegayay.

Sababaha keenay in uu Cudurka ku faafo deegaannada galmudug ayuu ku sheegay in Galmudug aysan jirin taxadir iyo siyaabo looga hortagayo Cudurka taasina ay sabab u aheyd Galmudug oo ka jirtay xaalad siyaasadeed iyo doorashooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here