Dhageyso: Ganacsatada Hilibka ku iibiya Banaanka Suuqa weyn Qudaarta Baydhabo oo Cabasho ka muujiyeen goobtooda shaqada oo laga raray.

0
25

Waxaa Jira Dad siyaabo kala Duwan Shaqooyin uga Sameyto Suuqyada Baydhowa kuwaas oo Nolol Maalmeedkooda ka soo saarta.

Ganacsatada Hilibka ku Iibiya Banaanka Suuqa weyn ee Qudaarta ayaa Cabasho waxay ka muujiyeen Shaqadooda, Dadkan ayaa Sheegey in Aqabad ku heysato Goobta ay wax ku iibiyaan, waxay sheegeen in laga soo Guuriyey Goob Mudo Sanadooyin ah Dadka Qaarkood wax ku iibinaayey,

Macamiishooda ayey ku sheegeen in ay waayeen, maadaama, laga soo kiciyey Goobti lagu Bartey.

Maamulka Degmada Baydhowa ayey waxay ka codaseen in Goobtooda Shaqada lagu Celiyo.

Halkan ay Bulshadan Codsanayaan ayaa ah Goob si weyn looga yaqaano Magaalada Baydhowa oo la yiraahdo Farshada waxaa lagu Iibiya Inta Badan Qudaarta iyo Hilibka, Sanadooyin kadib waxaa lagu sameeyey Dayacatir oo waxaa kaliya loo ogolaadey in ay Qudaar lagu Iibiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here