Dhageyso: Gudoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo Xaawo Sokor Oo Sheegtay In Loo Baahan Yahay In Haweenka Ay Kasoo Dhax Muuqdaan Siyaasada Dalka

0
63

Kulan ay iskugu imadeen haweenka magalada baydhabo kuwooda aqoonta leh ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gudoomiyaha ururka haweenka gobolka baay Marwo Muraayo Ibraahim Maxamed iyo Marwo Xaawo Sokor Cali oo ah gudoomiyaha haweenka degmada baydhabo ayaa waxaa looga hadlaayay sidii haweenka ay u heli lahayeen qoondada siyaasada dowlada dhaxe iyo mida maamulka koonfur galbeed.

Inta uu socday kulankaan ayaa waxaa ka hadlay inta badan haweenka kazoo qeyb galay iyagoo ku nuux nuux sadeen siday uga soo dhax muuqan lahayeen siyaasada dalka iyo in loo aqoonsado inay yihiin lafdhabarta bulshada.

Xaawo Sokor Cali Waa gudoomiyaha haweenka gobolka baay khudbadeeda inta badan waxay ku sheegay in ay kazoo dhax muuqadeen dowladii hore ee koonfur galbeed oo hogaaminaayay Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo dowladii uu hogaaminaayay Xasan Sheeg Maxamuud inay ka heleen qoondaha haweenka 31%.

Ugu dambeyntii Xaawo Sokor gudoomiyaha haweenka gobolka baay ayaa waxay baaq udirtay hogaanka koonfur galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) in haweenka marba loo in kirin xaqooda weli in hada kaga duwanadaan dowladahii hore sibey tiri in haweenka lagu dhax arko siyaasada dalka,

Halka Hoose Ka Dhageyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here