Dhageyso Gudoomiye ku xigeen ka tirsan Shabeellaha Hoose oo Qarax lagu dilay

0
13

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed lagu dilay Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada gobolka Shabeellaha Hoose.

Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabey” ayaa la xaqiijiyay in u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Bamka lagu weeraray Guriisa oo ku yaalla Afgooye.

Cumar Carrabey ayaa ahaa Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada, waxaana uu muddo dheer ka shaqeynaayay Shabeellaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Warbaahinata u xaqiijiyay geerida Gudoomniye ku xigeenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here