Dhageyso Itoobiya oo hakisay saamigii ay ku lahayd Dekadda Berbera

0
90

Wargeyska Capital ee ka soo baxa Magaalada Adis Ababa ayaa xaqiijiyay in dowladda Itoobiya hakisay saamigii ay ku lahayd Dekadda Magaalada Berbera.

Wargeyska Capital oo warbixin dheer ka qoray qorshe ay Itoobiya ku doonayso inay deked kaga samaysto dalka Suudaan, ayaa wuxuu gunaanadka warbixintiisa ku sheegay in Itoobiya ay saami dhan 19% ku lahayd horumarint dekedda Berbera, wuxuuse sheegay in toddobaadkan la soo wariyay in mashruucaas gebi ahaantiiba la joojiyay. “Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” Ayuu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.

Wargeysku, ma sheegin cidda uu xogtan ka soo xigtay, laakiin qaybo ka mid ah warbixintan wuxuu wargeysku ku waraystay wasiirka gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges oo sharaxday qorshaha ay Itoobiya ku doonayso inay deked kaga samaysato dalka Suudaan, laakiin wasiirku ma soo hadal qaadin arrinta dekedda Berbera ee Somaliland.

Itoobiya ayaa dhawaanahay ku jirtay raadinta Dekado ay maalgashato waxaana ay heshiis dhinaca Dekadaha ah la gashay dalalka Suudaan, Kenya, Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dekadda Berbera ayey Dowladda Itoobiya saami ka qaadatay sanadkii 2017kii markaas oo ay la wareegtay DPWorld , Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid xaq darro ah iyada oo xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliyana xilligaas wixii ka dambeeyay uu xumaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here