Dhageyso Maamulka Axmed Madoobe oo Lagu Eedeeyay Dilkii Cabdullaahi Shigshigoow

0
97

Ciidamadda Maamulka Jubba-land ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyaan dil shalay Magaaladda kismaayo loogu geystay Maamulihii Shirkadda Amal Faraceeda Magaaladda kismaayo.

Korneel C/rashiid Macalin Gaas oo la hadlay Warbaahinta SMC ee Magaladda Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadda Jubbaland ay ka dambeeyeen dilka C/laahi shikshikow.

Sidoo kale waxa uu sheegay Korneel C/rashiid Macalin Gaas in Sababaha loo dilay C/laahi ay aheyd aargudasho loogu aargudayay dilkii Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo Magaaladda Kismaayo lagu dilay Bishii Hore ee September,islamarkaana dilkiisa ay sheegteen Al-shabaab.

Dhanka kale Korneel C/rashiid Macalin Gaas ayaa sheegay in C/laahi shikshikow uu kamid noqonayo shaqsiyaad arrimo qabiil loogu dilay Magaaladda kismaayo .

Waxa uu sheegay in Al-shabaab aysan ka dambeenin dilka Mas’uulka,islamarkaana qorshaha lagu khaarijiyay C/laahi laga soo abaabulay madaxtooyadda Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in C/laahi uu dhowr jeer dacwad u gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed oo ku aadan in laga joojiyo lacago la sheegay in ay baad ahaayeen oo shirkadihiisa laga doonayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here