Dhageyso marxuun lagu dilay Degmada Wanlaweyn oo Faah Faahin laga helay

0
32

Kadib baahintii shalay ay baahisay Shabakada Caalamiga ee Southern Media ayaa Waxaa la soo xiriiray reerkii dhalay marxuunkii la dilay isla markaana laga dhacay Mootadiisa lagana helay Beer hoosteeda ayaa saaka waxaa nala soo xiriiray marxuunka ladilay Aabihiisa, Adeeradiisa iyo Walaaladiisa waxeena noo sheegeen in la la’aa mudo saddex maalmood oo kala ah 18 /01/2020 oo sabtida ah,19/01/2020 oo aheed maalin Axad ah 20/01/2020 oo isniin ah lana helay maalinta isniinta ah galingeeda danbe.

Waxaa suurtagal noqotay in Reerka marxuunka iyo Odayaasha uu horka caayo Nabadoon Aaw dhiid ay is arkay waxaana la aasay Maydka.

Reerka marxuunka dhalay ayaa hada ku sugan Saldhiga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose si loo baaro dhacdadan ka dhaday Dagmadaas.

Marxuunka ayaa ka soo jeeda Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo uu halkaas uu ku dhaahay sabtidiina Afgooye ka soo baxay asagoo nabad qaba lagu ogaa shaqo kadibna la waayay reer ahaan waxuu ka soo jeedaa ama beel ahaan Moobleen.

Akhristayaasha iyo dadka kuxeran Shabakada Alldaafeet ayaa aad ugu mahadceliyay adeega eey u hayaa bulshada

Lasoco wixi kusoo kordho xaaladaha hada kajira degmada wanlaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here