Dhageyso:-Mid ka mid ah Guddiga Xuduudaha Hir-Shabeelle oo is casilay

0
102

Maxamed Abshir Nuur oo kamid ahaa Xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee xaduudaha Maamulka Hir-Shabeelle ee uu shalay Magacaabey wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay Xubinimadaas.

Shir jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Balcad ayuu sheegay in aan lagala tashan xubinimada loo Magacabey,isla markaana uusan wax Shaqo ah ku laheyn sidoo kalena uusan doonan.

Waxa uu sheegay in marnaba uusan ku fikirin in uu qabto xil dowladeed,sidaas daraadeedna uu ogeysiinaayo Dowladda Federaalka,Maamulka Hir-Shabeelle iyo Beesha Caalamka in uusan kamid aheyn Guddiga madaxa banana ee  Xuduudaha Hirshabelle.

Magacaabista Guddiga madaxa banana ee  Xuduudaha Hirshabelle ayaa waxaa horay uga soo horjeestay Odayaasha & waxgaradka mid kamid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Maxamed Abshir Nuur.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here