DHAGEYSO MUDANE ONE TIME GUDOONKII HORE DEGMADA BUURHAKABA JBM WAREYSIGIISI

0
166

Isagoo ka dirirsan looyaaminta xaraaraddiisuna marayso halkii ugu saraysay xawaaraha hadalkiisu boobtan yahay aadna mooddo midh kastaa inuu barteedu dhigayo si lakab lakab ah, ayuu aqoonyahankan wareysiga ku naqdinayay hadal todobaadkii la soo dhaafay guddoonka haatan la keensaday degmada Buurhakaba JBM Mudane Cabdi Jiis mar uu wareysi siinayay Southern Media Co-Operation ku weeraray.
Mr Cabdi Jiis ayaa ayaa sheegay in Mudnane Maxamed Nuur Ibraahim (One Time) fulay yahay, fulaynimo daraaddeedna uu xilka degmada Buurhakaba gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland uu isaga degay, taasoona keentay in gudoomiye One Time isna uu la soo xiriiro warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya si uu ugu jawaabo masuulka weerarka afka ah ku soo qaaday isagu.


Guud ahaan degmooyinka iyo gobollada Maayland oo dhamaantood imikadan maamul ay iyagu iskood u doorteen aanay ka jirin, loo keeno uun maqaarsaar, ayaa haddana aqoonyahan Maxamed Nuur Ibraahin (One Time) oo ah gudoonkii hore ee degmada Buurhakaba JBM, waxaa cadaadis loo saaray oo xilka inuu isaga dago loogu khasbay, kadib kolkii madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur magaalada Baydhabo 13.12.2018 lagu shirqoolay, shacabkuna la celin waayay rabitaankoodu ay muujinayeen gadoodkii ay ka gadoodeen afduubkii hoggaamiyahooda, taasoona Mudane One Time xiligaasi uu xilku hayay degmada u fasaxay dadwaynaha banaanbaxyadii taariikhiga gobanimadoonka ahaa midnimada guud, tahayna halkaa meesha laga soo raacay mudane One Time, walow nafkii qoor leh iyo gabadhii qurxoonba aanay qaali waynaynin aqoonyahanku waddaniga dhabtuna sidaa oo kale la mid yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here