Dhageyso Odayaasha Koonfur Galbeed oo diiday doorasho qof iyo cod ah

0
105

Waxaa soo baxaya kala-aragti duwanaansho gobollada dalka qaarkood ah oo ku saabsan nooca doorasho ee ka dhici doonta Soomaaliya marka ay dhammaato muddo-xileedka dawladda xilligan ka jirta waddanka.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa maanta qabtay shir jaraa’id oo ay kaga hadlaan nooca doorashada dhici doonta.

Odayaashan ayaa sheegay in xilligan ay kasoo horjeedaan in la qabto doorasho qof iyo cod ah, ayna doonayaan in lasii wado hanaanka 4.5 ee qabaa’ilka, inta tiro koob laga sameynayo.

Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Baydhaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here