Dhageyso:-Puntland oo soo saartey digniin ku socota Shacabka

0
26

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee dowlad goboleedka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa Shacabka ku nool deegaannada Puntland uga digey inay tagaan Goobaha la isugu yimaado si looga digtoonaado cudurka coronavirus.

Waxaa uu sheegay in xilligaan aysan jirin dad looga shakiyey Cudurka COVID 19 oo la karantiiley ama la xaqiijiyey inay qabaan Cudurka,hayeeshee dadka looga baahan yahay inay fuliyaan amarada Guddiga ka hortaga Cuudrka Corona.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey inay si dhow ula socdaan xaalada Caafimaad iyo mida amni ee dadka ajaanibta ah ee ku sugan deegaannada Puntland si looga feejiganaado cudurka.

Si kastaba go’aanadaan kasoo baxey Maamulka Puntland ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli shalay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay xaqiijisey in qofkii ugu horeeyey Cudurka Coronavirus Muqdisho ugu geeriyoodey sidoo kalena la helay Afar kiis oo Cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here