DHAGEYSO: R/Wasaare Kheyre Oo Axmed Madoobe Saaxiibkiis Qadka Kula Hadlay

0
33

Xilli uusan wanaagsaneyn Xiriirka ka dhaxeeya Maamul Gobolleedka Jubbaland iyo Dawlada Dhexe ayaa hadana waxaa soo baxaya in kulan uu dhacay Saacado ka hor.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland oo ka qeyb-galay shir Mareegta Internet-ka lagu qabtay oo u shir gudoominayay Ra’iisal wasaaraha dalka Mudane Xassan Cali Khayre.

Waxaa la sheegay in Shirka looga hadlay Saameynta Dhaqaale ee uu sababay cudurka COVID19 xilli Dalka uu cabsi badan ku abuuray Cudurka iyo Dhaqaalaha inuu bur burin karo.

Shaafi Raabi Kaahin oo ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland ayaa sheegay in shirka sidoo kale uu ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Beyle ay kusoo bandhigeen warbixin la xiriirta Ganacsiga Jubbaland, Saameynta uu COVID19 ku yeeshay iyo weliba Saameyntii dhaqaale ee ay reebtay Xanibaadii Dawlada Federaalka si gaar ah ugu soo rogtay Jubbaland kahor cudurka COVID19.

Waxaa la sheegaa in Shaafi Raabi Kaahin uu yahay Saaxiibka Koobaad Ee Madaxweyne Axmed Madoobe,Shirkaan uu ka qeyb galay ayuuna kaga faa’iideystay in Dawlada Dhexe Xayiraada ka qaado Jubbaland ay saartay Sanadkii hore.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here