Dhageyso Salaxyada Lagu Ciyaaro Kubbada Cagta Oo Ku soo badanaya Magaalada Baydhabo.

0
38

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ku soo badanayaa sanadahaani goobaha lagau ciyaraayo kubadda cagta oo loo yaqaano Salaxyada taasi oo ah hurumar ku saansab dhanka isboortiska. Magaalada Baydhabo waxaa hada ka furan salaxyo badan gaar ahaan xaafadaha kala duwan salaxii ugu dambeeyey ee laga hirgaliyo Baydhabo waxaa uu ahaa salaxa xaafada Holwadaag. Mahad Ibraahim Aadan waa gudoomiyaha dhalinyarada xaafada holwadaag ee Magaalada Baydhabo sidoo kale waxaa uu ka mid yahay masuulinta salaxa xaafadaasi waxaa uu ka waramayaa muhiimada uu leeyahay salaxan laga furey xaafada iyo horumarada ay ku jirto salaxyada ku soo badanayaan Magaalada Baydhabo. Qaar kamid ah dhalinyarada xaafada holwadaag oo lahadleen warbaahinta ayaa waxey shegeen in ay baahiyo weyn ay u qabeen in xaafadooda laga hirgaliyo salax lagu ciyaaro kubadda cagta madaama horey ay u aadi jireen meelo kale oo ka fog xaafadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here