DHAGEYSO: Shariifka “Hubka Inaan Qaadano Diyaar Baan U Nahay”

0
42

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa muujiyey Hadal miisaaman oo dhanka siyaasada ah.

Shariifka ayaa sheegay in iyagu marnaba raali ka aheyn in dalka Dagaal loo horseedo,balse ay ku baaqayaan in Doorasho wadar ogol lagu yahay la isku raaco.

Fursad inay heysato Madaxtooyada Soomaaliya in Xal ka gaari karto Khilaafka ka dhashay Doorashada oo mudadii loo ballamay qaarkood ay dib uga dhacday.

Murashaxiinta Mucaaradka Hogaamiyahooda ayaa rajo ka muujiyey ka hor 8 Febraayo in doorashada la dhameeyo oo Madaxweynaha lasoo doorto Maalintaasi.

Tulucda Warkiisa ayaa aheyd in Mucaaradku yihiin kuwo ogol Doorashada iyo Khilaafka ku geedaaman laga heshiiyo si Wakhtiga yar Doorashada lagu soo geba gabeeyo.

Sheekh Shariif ayaa cod dheer ku sheegay inay diyaar uyihiin Hubka ay qaataan si looga qeyb noqdo Dagaalka lala galayo Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here