Dhageyso:-Shir Somalia ka qeyb-geli laheyd oo Coronavirus dartiis loo joojiyey

0
15

Magaalada Houston Gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa waxaa la filayay in dhawaan lagu qabto Shir looga hadlayo Arrimaha Shidaalka,waxaana shirkaasi ka qeyb-geli lahaa Wafdi ka socda Dowoladda Soomaaliya,hayeeshee shirkaas dib loo dhigey.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Rashiid Maxamed Axmed oo Soomaaliya Shirkaasi uga qeyb-geli lahaa kuna sugan Mareykanka  ayaa sheegay in Soomaaliya sanadkii labaad uu u noqon lahaa ka qeyb-galka shirkaas,hayeeshe loo joojiyey sababo la xiriira Cudurka dalal badan oo caalamka ah ku faafey ee Coronavirus.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Shirkaasi uu muhiim u yahay Soomaaliya kana soo qeyb-geli lahaayeen shirkado badan oo Soomaaliya u sahli lahaa inay xiriir la sameyso Shirkadaas si ay dalka uga baaraan Shidaalka.

Sidoo kale Wasiirka uu hadalkiisa intaasi ku darey in isaga iyo Wafdiga la socda maadama shirkaasi uu ka baaqdey lana qrsheeyey in uu qabsoomi Bartamaha Bisha soo socota inay kulamo kala duwan la yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Mareykanka ugana warbixiyeen howlaha Wasaaradda ee ku saabsan Arrimaha Batroolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here