Dhageyso:-Taliska Ciidanka xooga oo faah faahiyey howlgal ay fuliyeen

0
34

Kornayl, Cismaan Shabeel oo ka mid ah Saraakiisha Ciidaanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee hoggaaminaysa howl-gallada ka socda Shabeellada hoose ayaa sheegay in ay dileen 142 Qof oo ka mid ah Ururka Al-Shabaab.

Cismaan Shabeel oo la hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa intaas ku daray in 29 ruux ay dhaawaceen ,halka 18 kalana ay xabsiga dhigeen waa sida uu hadalka u dhigey.

Howlgalkaas ayaa intiisa badan waxaa uu sheegay inay ka fuliyeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo Ciidamada ay la wareegeen todobaadyo ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here