Dhageyso:-Toogasho ka dhacday Muqdisho & Maamulka Gobolka oo ka hadlay

0
82

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in xalay Saqdii dhexe ay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dileen Nin Miino Aasayay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ay sheegeen in Ninla la toogtay uu kamid ahaa Saddex Nin Miino ku Aasayay mid kamid ah wadooyinka Xaafada Suuq Bacaad.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow ayaa sheegay in Saddex Nin oo ku hubeysnaa Bustoolado ay miinada Aasayeen, hayeeshee Ciidamada Ammaanka oo ka warhelay ay rasaaseyn dhex-martay taas oo uu ku geeriyooday mid kamid ah raggaas.

Waxaa uu sheegay in labada kale ay baxsadeen, hayeeshee Ciidamada Ammaanka ay ku raad joogaan,waxaana uu sheegay in amniga guud ee degmada Yaaqshiid uu yahay mid wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here