Dhageyso: Waa Sidee Xaalada Dadkii Kasoo Barkacay Tiyeelog.

0
56

Degmada xudur ee xarunta gobolka bakool weli waxaa ku sugan qaar kamid ah dadkii kazoo barkacay degmada tiyeeglow kuwaasi oo degaaneysteen kaamamka iyo meelo kabaxsan degmada madaama ay yihiin dad aad utira badan  oo aan gudaha degmada degi Karin.

Mudo sedax sano ah waxay ku nool yihiin nolal aad u adag oo waxay sugaan gar gaar ay ka helaan maamulka degmada xudur iyo hay`adaha kashaqeyaan arimaha bini`aadinimada ee ka howlgalaan degmada xudur sida uu sheegay Maxamed Cabdala Food cade Gudoomiyaha degmada tiyeelow.

Gudoomiye Maxamed Cabdala ayaa tilmaamay in weli ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay lakulmaan shacabka degmada tiyeeglow taasi oo ay ugu horeyso in aysan weli helin guriyo ay ku noladaan oo ka duwan buushashka isbitaalo ugaar ah iyo iskuulal wax lagu baro caruurtooda madaama ay xaq uleeyihiin in ay helaan wax kasta oo nolasha aas aasiga ah.

Dhamaan si wax loogu qabto xaalaha ay ku nool yihiin shacabkii kazoo barkacay degmada tiyeeglow ee kusugan xudur ayaa gudoomiyaha degmada Maxamed Cabdala waxaa uu dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo hay`adaha gar gaarka waxaa uu ka codsaday in ay lasocdaan xaaladooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here