Dhageyso Warbixin Dagaal Lagula Jiro Xildhibaanada 30 Sano Lugooyada Ka Wada Dalka ( Maxamed Nuuraani Bakar )

0
107

Golaha sharci dejinta baarlamaanka waa gole loogu shaqqeeyo dalka iyo shacabka soamaliyeed ee ma aha mid xubin’nimadiisa loogu shaqeysto dano gaar ah. hadaan nahay warbaahinta southren media anigoo fulineyno waajibaadka naga saaran dadka iyo goboladooda inaan diirada saarno xubnaha golahaasi ka midka ahaa mudada dheer ee kor u dhaafa dhowr iyo labaaa sanadood.

Barnaamijkeenii isbuuclaha ahaa waxaan maanta diirada ku saari doonaa Xildhiban Maxamed Nuuraani Bakar, Xildhibaanka waxaa uu ku dhashay magalada muqdisho sanadkiisana waxaa lagu qiyaasaa inuu kor u dhaafay 70 sano, waana qof aqoonyahan ah oo heer Jaamacadeed ah, waxaana uu siyaasada dalka kusoo biirey xiligii carte ee lasoo dhisay dowladii KMG ee Madaxweyne Ka ahaa Abdiqaasin salaad xasan.

Xildhibaanka oo ay deegaan doorashadisu tahay degmada baraawe ayaa inta uusan kusoo biirin siyaasada waxaa uu ka shaqeysan jirey dalka imaaraatka carabta halkaasi oo uu degenaa sanado badan. Maxamed Nuuraani Baker xiligii carte waxaa uu ka mid noqdey golihii wasiirada ee uu soo magacaay Cali Khaliif Galeyr oo markaasi ahaa reysulwasaaraha dalka.

Xildhibaan nuuraani ayaa inta badana waxaa ay shacabka uu matalo ku eedayaan in uu ka shaqeynayey in mudo ah sidii uu isaga horkeeni lahaa ama isugu diri lahaa labada suldaan ee isku heysata suldaanimada beesha tuni suldaan xeydar iyo suldaan faqi, taastoo ay ujeedadiisu tahay siduu uga dhex faaiideysan lahaa khilaafkooda.

Xildhibaan Nuuraani oo lagu tiriyo dadka aqoonta leh ayaa hadana waxaa uu yahay shaqsi aan dadkiisa iyo deegaankiisaba aan waxba u qabanin. Dad ku dhow ayaa waxaa ay ku tilmaameen inuu yahay daneyste dad iyo dal toona u nixin.

xildhibaan nuuraani ayaa Inta badan waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanada mooshinka ka keeno Madaxda ugu sareyso dowlada waqtigaas jirta, marka uu iska waayo golaha wasiirada.

Nuuraani waxaa uu hormuud ka ahaa xildhibaano rabay in ay markaasu mooshin ka gurbiyaan xiligii uu reysulwasaaraha dalka ahaa dowladii uu reysulwaaaaraha ka ahaa Abdi faarax Shirdoon (Saacid) . asigoona voa da wareysatay ayaa waxaa uu jiri.

Xildhibaan nuuraadi ayaa isaga oo dhaleeceynaya xukumadii xasan cali kheyre waxaa uu sheegay in aminiga aysan waxba ka qaban isla markana amniga wax laga qabto isaga oo arintaasi ka hadlayana waakan ee nala shegeysta.

isku soo wada duub qaab dhaqanka xikdhubaanka ayaa intiisa badan waxaa ay tahay eedeyn uu eedeeyo xubnaha dowlada isaga oo aan eegeyn gudasha la,aanta waajibaadkii loo idmadey oo uu umada ku hor fadhiyo in ka badan 20 sanadood hadana uu weli doonayo inuu meesha sii fadhiyo.

Barnaamijkan daba galka xildhibaanada isbuucii dhaweyd sida aad la socotaan waxaan diirada ku saarney xildhibaan adan madoobe halka isbuucan aynu diirada ku saarney xikdhibaan nuuraani labadaba kolkaan eegney waxaa ay ka siman yihiin dabar goynta reeraha ay masuulka ka yihiin mar walbana dantooda ayey ka hormariyaan danta guud waana tan keentey in deeganada ay masuulka ka yihiin noqdaan deeganada ugu dhibatada badan guud ahaan dalka somaliya.

barnaamijkan oo ay idiinkugu tala galeen warbaahinta smc waa mid taxane ah mana jirto cid ay ka tegi doonaan waxaan dul istaagi donaa dhamaan xildhibaanada kasoo galay carte iyo weliba eldorete inagoo sheegi doona waxa ay ku xun yihiin iyo weliba waxa ay ku fiican yihiin inagoo aan weliba ka tegi doonin kuwa rug cadaaga ah ee lasoo shaqeeyey dowladii keli taliyaha aheyd ee maxamed siyaad bare barnaamijkan waxaa ila daadihinayay Maaxiye Abdinur , Abdirahaman Lisbon, aadan ingiriis, iyo aniga oo ah yasin tan iyo inteynu kulmi doono isbuuca soo socda waxaan idin leeyahay sidaas iyo nabad gelyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here