DHAGEYSO +WAREYSI: DEGAANO KATIRSAN BOKOOL OO GAARAY AYAXII KAZOO DUULAY GOBOLKA HIRAAN.

0
31

Degaano dhowr ah oo katirsan degmada xudur ee xarunta gobolka bakool ayaa laga soo shegayaa in uu kormaray ayaxa dhibaatada ba’an ku haayo beeraleyda dalka soomaaliya gaar ahaan gobolada galgaduud’ hiiraan iyo hada oo laga soo warmaayo in uu gaaray gobolka bakool ee koonfur galbeed.

Ayaxaan ayaa gobolka bakool waxaa kazoo gaaray ama uu soo maray gobolka hiraan madaama ay wadagaan xuduud, waxaana ay soo kormareen degaanada kala ah ceelgaras’awal’ awoore’ teeg iyo degaano kale ayuu kormaray sida ay SMC uxaqiijiyeen dadka degaanka.

Warsame maxamuud Cabdi oo kamid ah dadka ku nool degmada xudur oo wareysi gaar ah uu siyay baidoa24.com ayaa waxaa uu sheegay in laga cabsi qabo in dhibaato weyn uu ugeysto beeraha gobolka bakool ayaxaan oo soo gaaray degaano bakool katirsan.

Warsame ayaa sheegay in bilooyin ka hor beeralayda gobolka bakool beerahooda uu galay cayayaan kaasi oo kacunay dalagii ay beerteen, waxaana uu tilmaamay in ayaxaani uu ka daran yahay cayayaanka kale ee beeraha gala.

`sanadkaani beeraleyda gobolka bakool waxay leeyihiin ama rajo ay ka qabaan dalagyadii ay abuurteen madaama sifiican gobolka bakool ugu qubtay roobkii deerta ahaa dalagyada ay beerteen waxaa kamid ah “Galey’ Misigo’ Digir iyo Sisin haduu ayaxaani soo galay gobolka bakool beeraha oo kudegto beeralayda waxay dhibaato ugu jiraan in sanadkaan beerahooda oo araan ah inay wayaan wax ay ka goostaan” ayuu yri  Warsame maxamuud Cabdi oo kamid ah dadka beeralayda ah eek u nool degmada xudur.

Halka Hoose Ka Dhageyso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here